Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaladkii u horreeyo ka dhacay Baarlamanka cusub ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
BIIXTAANKAA.jpg?resize=960%2C640&ssl=1inta badan xildhibaannada oo ka baxay xarunta Baarlamanak

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa dhaliilay qaar kamid ah xildhibaannada oo ka baxay hoolka Baarlamanka intii ay socotay dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland.

wax 30 ka yar baa fadhiya Xildhibaanadii la rabey inay khudbadaha dhegaystaan maxaa beri ku qiimayn doontaan khudbadihii la jeediyey hadaad dareerteen” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha wakiilada mudane Cabdixakiin Dhooba-dareed.

Dhinaca kale murashax madaxweyne ku xigeen Saadiq Eenow ayaa sheegay, in uu iska’ laabay warqaddii khudbaddu ugu qorneyd,kadib markuu arkay xildhibaannadii dhegaysan lahaa oo banneeyay xarunta Golaha wakiilada.

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka ayaa ka baxay xarunta, iyadoo ay socoto khudbad-jeedinta murashixiinta,lamana ganayo sababta keentay in xildhibaannadu ay banneeyaan kuraastax,xilli ay socdaan khudbadihii lagu kala saari lahaa murashixiinta.

PUNTLAND POST

The post Qaladkii u horreeyo ka dhacay Baarlamanka cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this