Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay Oo Nidaam Aar-Goosi Ah Durba U Bilawday In Ay Yarayso Masuuliyiintii Iyo Shaqaalaheedii U Fadhiyey Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya xaaladda ka dhex taagan Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Muqdisho ee uu hogjoogaha ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegaya in Qaramada Midoobay go’aan ku gaadhay in ay yarayso shaqaalaheedii iyo hawl-wadeenadeedii ka hawl galayay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

Ilo-wareedyo u dhuun daloola arrintan ayaa wargeyska Foore u sheegay in Qaramada Midoobay ayaa aad u dhimayso joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaalida, arrintaasi oo saamayn weyn oo dhaqaale iyo siyaasadeedba ku yeelan doonta dawladda Farmaajo iyada oo maalmo uun laga joogo markii maamulka Villa Soomaaliya uu dalkeeda ka caydhiyey wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha qaramada midoobay u joogay Soomaaliya Nicholas Haysam.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho, arrintan ayaa sabab looga dhigay ka saaritaankii Haysm ee Soomaaliya iyo waliba xaaladaha amni ee Magaalada Muqdisho oo faraha ka sii baxaya kadib weerarkii hoobiyayaasha loo adeegsaday ee kowdii Bishan January lagu qaaday xafiisyada iyo hoyga Qaramada Midoobay ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan dalkaasi Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay halka la sheegayo in go’aankan Qaramada Midoobay ku dhimayso shaqaalaheeda iyo masuuliyiinteeda Muqdisho uu salka ku hayo amarkii ay dawladda Farmaajo dalkeeda kaga saartay Nicholas Haysom.
Qaar ka mid ah shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Qaramada Midoobay ee ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho oo qorshuhu ahaa in ay shalay oo Axad ahayd ku soo laabtaan Muqdisho, iyaga oo kasoo laabtay fasax sannadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaanay tagin Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Nairobi.

Go’aanka Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda iyo Masuuliyiinteeda ka hawl gali jiray Magaalada Muqdisho balse aanu saamayn doonin kuwii ka hawl gali jiray Jamhuuriyadda Somaliland.

Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay waxaana uu kusoo beegmayaa xilli ay xiisad adagi ka dhex oogan tahay Qaramada Midoobay iyo dowladda beesha caalamku taageero ee Somalia, kadib markii maamulkaasi ay caydhiyeen wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa hore u cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimadda dagaalada iyo qaraxyadu aafeeyeen ee Muqdisho.

In ka badan Toddobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Bishan January waxaana weerarkaasi sheegtay Al Shabaab oo xustay in ay ka dambeeyeen weerarkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this