Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Turkiga U Qaabilsan Soomaaliya Oo Booqasho Ku Yimid Hargeysa Iyo Nuxurka Uu La Yeeshay Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

dd.jpg

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo Horumarinta caafimaadka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this