Deeq A. Posted January 7, 2019 Askar ka wada tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dagaallamay degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararku waxay ay sheegayaan in ciidankan ay ku dagaallameen Koontarool laga soo galo degmadaasi, waxaana la isku adeegsday rasaas xooggan. Goob joogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamo ka yimid dhanka garoonka diyaaradaha Jowhar, islamarkaana la socday gaadiid Khaad siday ay rasaas kala kulmeen askar kale. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, iyadoo xaaladda weli ay tahay mid kacsan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites