Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo dhegaysanaya khudbadaha murashixiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha cusub ee Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa Isniinta saaka ah dhegaysanayaa khudbadaha ay jeedinayan murashixiinta xilka madaxtinimada Puntland.

Murashixiinta oo ka kooban 21 murashax madaxweyne 11 murashax madaxweyne ku xigeen ayaa maanta jeedinaya khudbadaha waxqabadkooda iyo ballanqaadyadooda si ay u soo jiitan xildhibaannada codaynaya.

Xarunta Baarlamanka ayaa waxa haatan ka soocta dhegaysiga khudbadaha murashixiinta oo soo bilaabatay saacadihii hore ee saaka oo Isniin ah.

Maalinta berri ah oo ku beegan Talaada 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo,waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan,halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri,sida ku xusan habraaca doorashada.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo dhegaysanaya khudbadaha murashixiinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this