Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada oo toogatay Al Shabaab horey u dilay Nabadoon Hilowle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta toogatay labo kamid ah Al Shabaab, kuwaasi oo ku eedeysnaa inay horey u dileen Nabadoon Soomaaliyeed.

Labada ruux ee maanta maxkamadda ay toogatay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxman Ciise Cali Fiidow iyo Xasan Cali Xasan Keerow, waxaana lagu eedeeyay inay dileen Nabadoon Hilowle Xeefow Xuseen.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ay fulineysay dilalka toogashada ah ee lagu fulinayo shaqsiyaadka Al Shabaab ka tirsanaa ee horey dilalka u geystay.

Saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in sidoo kale dhawaan latoogan doono shaqsiyaad ka tirsan Al Shabaab.

Maalmo kahor kahor ayay aheyd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay toogatay shaqsi ka tirsan Al Shabaab oo ku eedeysnaa inuu qaraxyada dhigi jiray goobaha dadweynaha.

5555555555555555555555555555-696x464.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this