Sign in to follow this  
Deeq A.

Eng Yariisow oo culees badan dareemaya iyo magacaabista guddoomiye degmo oo been abuur noqotay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa wajahaya culeesaad siyaasadeed oo kaga imaanaya shaqsiyaad awood ku leh dowladda dhexdeeda.

Wareegtooyin uu soo saaray Eng Yariisow ayaa u muuqda kuwa aan dhaqan galin, kadib markii shaqsiyaadkii uu xilka ka qaaday ay wali kasii shaqeynayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yariisow ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, laakiin waxaa kadib uu ka laabtay xil ka qaadistiisa, waxaana taasi cadeyn u ah in wali guddoomiyaha degmadaasi uu wali shaqeynayo.

Sidoo kale guddoomiye Yariisow ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu magacaabay guddoomiyaha degmada C/casiis islamarkaana uu xilka ka qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay yaraatay awoodii maamul ee uu lahaa, waxaana awooda ugu badan leh guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in Eng Yariisow uu beeniyay inuu xilka ka qaaday guddoomiyaha degmada C/Casiis islamarkaana uu magacaabay Ismaaciil Oronjo oo ka tirsan wasaaradda Warfaafinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this