Deeq A. Posted January 6, 2019 Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska Gavin Alexander Williamson, ayaa Booqasho aan hore loo shaacin ku yimi Somaliland. Wasiir Gavin Williamson, waxaa uu la kulmay Dhiggiisa Somaliland Ciise axmed xawar iyo Taliyaha Militeriga Nuux ismaaciil Taani. Waa masuulkii ugu heerka sareeyay ee ka socda UK ee booqasho ku yimaadda Somaliland sidoo kale dhinaca gaashaandhigga waa sarkaalkii ugu sareeyay ee booqda Somaliland. Gavin williamson, ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxwaynaha Smaliland mudane Muuse Biixi Cabdi. Dawladda Ingiriiska ayaa gacan wayn ka gaysta dhismaha ciidamada amniga ee Somaliland Qaran News Share this post Link to post Share on other sites