Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka gashaandhiga UK- Oo booqasho ku tagay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

49014547_338012730375743_873220684396888
Wasiirka Difaaca ee Ingiriiska Gavin Alexander Williamson, ayaa Booqasho aan hore loo shaacin ku yimi Somaliland.

Wasiir Gavin Williamson, waxaa uu la kulmay Dhiggiisa Somaliland Ciise axmed xawar iyo Taliyaha Militeriga Nuux ismaaciil Taani.

Waa masuulkii ugu heerka sareeyay ee ka socda UK ee booqasho ku yimaadda Somaliland sidoo kale dhinaca gaashaandhigga waa sarkaalkii ugu sareeyay ee booqda Somaliland.

Gavin williamson, ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxwaynaha Smaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dawladda Ingiriiska ayaa gacan wayn ka gaysta dhismaha ciidamada amniga ee Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this