Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Goodax Bare oo la kulmay Guddiga ka tirsan Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga arrimaha bulshada ee Gollaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah kulan la yeeshay wasiirka Waxbrashada, Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka ayaa kaga jawaabay xubnaha su’aallo ay ka waydiiyeen xaaladaha waxbarasho ee dalka, horumarka laga sameeyay iyo waliba Hiigsiga wasaarada ee sanadaha soo socda ee ku wajahan tacliinta dalka.

Kulanka marka uu soo idlaaday, Wasiir Goodax Bare oo war-fidiyeenka la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in Guddiga daneeyay in ay xog ogaal u noqdaan mashaariicda waxbarasho meelaha ay ka socdaan tacliinta sare jaamacadaha, dhaqanka, hidaha iyo heerarka waxbarasho federaalka in ay ogaadaan.

Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta adeega bulshada, arimaha Bini’aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka Aqalka Sare, Axmed Macalin Axmed (Nadiir) ayaa wasiirka uga mahadceliyay warbixinta faahfaahsan ee xaga waxbarashada ee gudiga siiyay.

Ugu dambeyntii, dhinacyadda ayaa isla afgartay inay dhexmarto wadashayn toos ah, si muwaadiniinta Soomaaliyeed looga haqab-tiro baahiyaha ku aadan dhinaca waxbarashada oo ay haatan utaahayaan.

The post Wasiirka Goodax Bare oo la kulmay Guddiga ka tirsan Aqalka Sare appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this