Deeq A. Posted January 6, 2019 Garowe (Sh.M.Network) – Guddiga doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa ku dhawaaqay liiska Musharaxiinta ku tartameysa coddeyntaan. Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo uu Guddigu soo saarey, 21 Musharax ayaa ku loolami doono xilka Madaxwaynaha. Sidoo kale, 11 xubnood ku baratami doonta xilka Madaxwayne ku xigeenka, oo ay kasoo muuqdeen siyaasiyiin caan ah. Liiskaan ayaa ah midka kama dambeysta ah ee sida rasmiga ah uu udiiwaan-gelisay kooxda qaban-qaabineysa doorashada. Doorashadda ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 8-da bishaan Janaayo ee 2019, taasi oo ku beegan maalinta Talaada ah ee todobaadkan. Hoos ka akhriso magacyada Musharaxiinta The post Liiska Musharaxiinta doorashada PL oo lagu dhawaaqay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites