Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland oo la shaaciyey (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa shaaciyay tirada musharixiinta is diiwaan gelisay ilaa iyo hadda, waxaana la sheegay inay ka yar yihiin musharixiintii tartanka isku diyaarisay.

Guddiga ayaa soo saaray qoraal ay ku cadeynayaan tirada musharixiinta ka gudubtay dhamaan sharuudihii laga doonayay, waxaana xilka madaxweynaha Puntland isku soo taagay 21 musharax madaxweyne.

Xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale waxaa isku soo taagay 11 musharax, waxaana sidaasi shaaciyay guddiga doorashooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Sharuudaha ay dhawaan shaaciyeen gudigan ayaa waxaa ku jiray dhowr qodob oo qaban karay qaar kamid ah musharixiinta xilka dooneysa.

49896267_219466898933906_179450982672682

49560035_1847075872086865_51275840854299

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this