Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo xadiday joogitaanka shaqaaleheeda ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa xadiiday joogitaanka shaqaalaheeda ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaalida, siday ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online, arrintan ayaa sabab looga dhigay weerarkii hoobiyaasha ee kowdii January lagu qaaday xarunta QM ee Muqdisho, oo ku dhex-taalla xarunta Xalane, ee ay degan yihiin shisheeyaha ku sugan Soomaaliya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dhaawacay saddex ka mid ah shaqaalaha QM.

Qaar ka mid ah shaqaalaha QM ee Muqdisho, oo qorshuhu ahaa in maanta ay u safraan Muqdisho, ayaga oo kasoo laabtay fasax sanadeedka cusub, ayaa loo sheegay inaysan tagin Muqdisho oo ay joogaan Nairobi.

Go’aanka QM ayaa la sheegay inuu saamaynayo kaliya shaqaalaheeda Muqdisho.

Ma cadda inta uu soconayo go’aanka kasoo baxay QM, waxaana uu kusoo aaday xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay QM iyo dowladda Somalia, kadib markii Somalia ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom

Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii Xalane ee lagu qaaday dhismaha ugu weyn ee Qaramada Midoobay ay ku leedahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Todobo madfac ayaa ku dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kowdii Janaayo. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this