Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wasiirka Difaaca Ee Dalka Ingiriiska Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Yimid Somaliland + SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wasiirka Difaaca Dawladda Ingiriiska Oo Maanta Booqasho Ku Yimid Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mudane Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

49938221_1977048749075635_12126428144043 49612713_1977050085742168_10264236367240 49512204_1977049062408937_76734023535836

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this