Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Liiska murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada madaxtinimada dowladda Puntland oo haatan soo geba-gabeeyay diiwaan-gelinta murashixiinta, ayaa shaaciyay magacyada murashixiinta buuxiyay shuruudaha ee la diiwaan-geliyay.

Guddiga ayaa sheegay in ay diiwaan-geliyeen 21 murashax madaxweyne iyo 11 murashax madaxweyne ku xigeen,kuwaasoo buuxiyay shuruudaha ku cad habraaca doorashada ee Dastuurka loo cuskaday.

Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay 2:00PM ee shalay oo Sabti ahayd ayaa soo idlaatay 4:00PM ee Galabta,waxaana maalinta berri ah oo Isniin ah bilaamaya, khudbad jeedinta murashixiinta diiwaan-geshan,iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo.

Maalinta Talaadada ee ku beegan 8-da Jannaayo 2019 ayaa la qorsheeyay, in ay doorashadu dhacdo,waxaana wareegga labaad u baxaya saddexda murashax ee ugu codad badan,halka wareega saddexaad ay noqonayso cod-dheeri,sida ku xusan habraaca doorashada.

Halkaan ka akhriso liiska

koowaad.jpg?resize=651%2C960&ssl=1 labaad.jpg?resize=644%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland: Liiska murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this