Deeq A. Posted January 6, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Iyadoo ay gelinka dambe ee maanta ku egtahay diiwaangelinta Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland ayaa illaa haatan waxaa shahaadada Musharraxnimo la guddoon siiyay xubno ay ka mid yihiin General Saciid Dheere, Saciid C/laahi ( Dani ), Cali Xaaji Warsame, Asad Cismaan ( Diyaano) iyo Cali Xaaji Warsame oo dhammaantood ka mid ah Musharraxiinta ugu cad cad tartanka doorasho ee maamulka Puntland. Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in hoolka doorashada ay ka bilaabato hadal jeedinta Musharraxiinta, maalinta xigta ee Talaadadana waxaa dhici doonta doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee maamulkaasi. Waddada gasha xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa aad loo xadiday dhaq dhaqaaqeeda, iyadoo lagu arkayo Ciidamo fara badan oo la dhigay Waddadaasi. Sidoo kale waxaa magaalada Garoowe ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno matalaya beesha caalamka oo marqaati ka noqon doona hanaanka doorashada. Waxgaradka Puntland qaarkood ayaa Warmurtiyeed ka soo saaray arrimaha doorashada, waxayna cid kasta ugu digeen in ay la yimaadaan wax qal qal galin kara doorashada. Ugu dambeyn waxgaradkani ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Puntland in ay si cadaalad ah u soo xulaan hoggaan hufan oo wax ka qaban kara xaaladda maamulkaasi. The post Musharraxiin badan Oo iska diiwaangeliyay M/ Garoowe appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites