Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay baaritaan adag oo ka socdo Afgooye iyo xubno la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya baaritaano maanta ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ay baaritaanka ka sameeyeen xaafadaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo bilowday salaadii subax ee saaka kadib.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay guryaha qaar gudaha u galeen, iyaga oo ka baaraya xubnaha Al Shabaab ka tirsan ee ku dhuumaalaysan karo, iyadoo shaqsiyaad qaar gacanta ku dhigeen.

Sababta ka dambeysa baaritaankaan adag ayaa la sheegay inay tahay in masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan ay tagi doonaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda ugu sareyso dalka ay tagi doonaan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sidoo kale baaritaanka laga sameeyay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla  Magaalada.

La soco waxii kasoo kordhaa wararka Afgooye

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this