Deeq A. Posted January 6, 2019 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay howlgallo ballaaran ka wadaan xaafado ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Howlgalladan ayaa ah kuwo qorsheysan oo ciidamada waxaa la sheegay in xaafadaha qaar ay diideen isku socodka dadweynaha. Wariyaheenna Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidanka howlgalka wada ay yihiin kuwii dhowaan ay dowladda federaalka ka dirtey magaalada Muqdisho. Ammaanka degmada Afgooye ayaa ahaa mid maalmihii dambe faraha kasii baxay, hase ahaatee howlgalladan ayaa la doonayaa in dib loogu soo celiyo amnigii iyo kala dambeyntii degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites