Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan Oo xalay dil ka geystay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Xalay Wiil Dhalinyaro ahaa loogu geystay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Xoosh oo ka tirsan degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in Toogasho ay ku dileen Marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Saldhig Galbeed ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Wiilka Dhalinyarada ee la dilay uu ahaa Qof shacab ah, islamarkaana uu  ka mid ahaa dadka deegaanka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkeynley oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonay dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayay gudaha magaalada Muqdisho.

The post Kooxo hubeysan Oo xalay dil ka geystay Dharkenley appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this