Sign in to follow this  
Deeq A.

QM “Eryiddii Haysom ma saameyn doonto xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

New York ( Sh. M. Network )-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ceyrisay Ergaygii Xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin wada shaqeynta dowladda siyo Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaaa sheegtay in ay sii wadeyso taageerida dhinaca nabadda iyo dib u dhis ka Soomaaliya.

“Goluhu waxa uu rajaynayaa in wada shaqeyn buuxda ay ka dhaxeyn doonto dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay”. Ayaa lagu yiri warkan.

Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinacyo dhawr ah oo ay ugu horayso gargaarka Bani’aadanimada.

Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli DFS ay ceyrisay Ergaygii QM ee arrimaha Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay uu ku xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya.

The post QM “Eryiddii Haysom ma saameyn doonto xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this