Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo ka hadashay go’aankii ka soo baxay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo u warramayay Laanta Afka Soomalaiga ee BBC-da ayaa ka hadlay tallaabadii Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu deegaanada maamulkaasi kaga Mamnuucay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in uusan xilligan habooneyn go’aanka Madaxweyne Gaas, balse waxa uu tilmaamay in Puntland ay xaq u leedahay sugida amniga deegaanadeeda, islamarkaana ay ku taageereyso dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in DFS aysan halis ku aheyn amniga iyo degenaashaha Puntland.

Sideeda bishan ayaa la filiyaa in doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo ay u taagan yihiin Musharraxin dhowr ah.

The post XFS Oo ka hadashay go’aankii ka soo baxay Puntland appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this