Deeq A. Posted January 6, 2019 Duqa caasimadda Garoowe,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa Axadda maanta ah heshiis la saxiixan doona shirkadda laamiyada dhista ee TTN oo laga leeyahay dalka Turkiga. Mudane Axmed Barre ayaa qoraal uu Facebook-giisa soo geliyay ku sheegay, in uu maanta heshiis la saxiixanayo shirkadda TTN,si ay dhisto 4 laami oo cusub,kuwaasoo laga hirgelinayo caasimadda Puntland ee Garoowe. Laamiyada cusub ayaa la saarayaa waddooyinka kala ah; 1: wadada Alnasaar 2: Jidcadaha Global 3:wadada u baxda xaafadda Jillab iyo 4: wadada Ely Hutel ilaa Shaariqa,waxaana mashruucan ku deeqay World Bank. PUNTLAND POST The post Heshiis dhisme 4 laami oo maanta Garoowe lagu saxiixayo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites