Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaa iyo haatan murashixiin la diiwaan-geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Diiwaan-gelinta murashixiinta doorashada madaxtinimada Puntland ayaa ka socota xarunta Golaha waliikada ee magaalada Garoowe.

Diiwaan-gelinta oo soo bilaabatay duhurnimadii shalay oo Sabti ahayd ayaa ku eg gelinka dambe ee maanta oo Axad ah,sida  ku xusan habraaca guddiga doorashada Puntland.

Guddiga ayaa ilaa iyo haatan diiwaan-geliyay murashixiin ay kamid yihiin; Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere), Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame iyo Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano).

Tan iyo shalay markii lagu dhawaaqay shuruudaha iyo habraaca doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray 8 murashax oo sheegay in ay u tanaasuleen murashixiin kale.

Doorashada waxaa ka harsan mudda laba maalmood ah,waxaana Isniinta berri ah bilaabanaya khudbad jeedinta murashixiinta,iyadoo qofkiiba la siin doono 15 daqiiqo oo keliyah,sida ku cad habraaca doorashada ee shalay la soo saaray.

Maalinta talaadada ee ku beegan  08/01/2019 ayaa doorashadu dhacaysaa,iyadoo wareega kuwaad ay ka  soo gudbayaan saddexda  murashax ee ugu codka badan,halka wareega saddexaad uu noqon doono  cod dheeri,sida ay guddigu sheegeen.

PUNTLAND POST

The post Ilaa iyo haatan murashixiin la diiwaan-geliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this