Sign in to follow this  
Deeq A.

Raage Oomaar: QM waa la bah-dilay, guul weyn ayaa usoo hoyatay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Weriyaha Soomaaliyeed ee caanka ah Raage Oomaar ayaa guul siyaasadeed weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia ku tilmaamay go’aankii lagu cayriyey ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Raage Oomaar ayaa qoraaal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in Villa Somalia ay bah-dishay xoghayaha guud ee QM Antoni Guterres iyo QM, kadib markii ay cayrisay Haysom

Qoraalka Raage ayaa u dhignaa sidan:

“Guul weyn oo usoo hoyatay Villa Somalia oo bah-dishay Guterres iyo QM. Dowladda Somalia waxay cayrisay wakiilkii gaarka ahaa ee QM ee Soomaalia Nicholas Haysom. QM waxay sheegtay in taasi aan la ogoleyn. Hase yeeshee waa ay is-dhiibtay waxayna sheegtay inay beddeli doonto”

Huge win for @TheVillaSomalia who humiliates @antonioguterres & @UN. Somali gov expels UN Special rep @NicholasHaysom. UN says this isn’t allowed. But caves in & says it’ll replaces him.”The U.N. chief regrets Somalia envoy expulsion, will send replacement https://t.co/m8jq399axV

— Rageh Omaar (@ragehomaar) January 4, 2019

Qoraal kale oo Raage uu ugu jawaabay agaasimaha mashruucda hay’adda ICG ee Geeska Afrika, rashiid Cabdi ayuu ku sheegay in dowladda Somalia ay qaadatay go’aan siyaasadeed ay ogtahay inuu guul siyaasadeed uga horseedi doono xagga shacabka.

Waxa uu yiri “Dowlad kasta waxay ay cayrsan doontaa siyaasaddii u shaqeeneysaa islamarkaana ah guul siyaasadeed. Tani waxay guul dhameystiran u tahay Villa Somalia iyo “waddaniyiinta fog”, sida aad ugu yeerto, waxay muujiyeen in naceybka darran ee shaqada QM uu shaqeeyo, UNSomalia-na waa ay is dhiibtay”

Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this