Deeq A. Posted January 5, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay horumairnta hannaanka maaliyadda dalka. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay wasiirka, wasiir ku-xigeenka, wasiiru dawlaha, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xisaabiyaha guud. Mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayuu Ra’iisul wasarahu faray in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo hadafka guud iyo hiigsiga danaha ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta hannaanka maamulka maaliyadda si dalka looga caafiyo daymaha lagu leeyahay. Dhinaca kale, Khayre oo kormeeray dekadda Muqdisho ayaa mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee dekadda iyo saldhigga booliiska ee dekadda, Gudaha furdada ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo maamulka sare ee dekadda. Kulanka ayaa looga hadlay dar-dargelinta adeegyada dekadda iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara tuhun musuq-maasuq iyo maamul xumumo, waxa uuna bogaadiyay horumarrada ka socda dekadda eekeenay in dekadda ay kusoo xirtaan maraakiib ay leeyihiin shirkado caaalami ah. Kormeerka uu Ra’iisul wasaaruhu ku tegay wasaaradda maaliyadda iyo dekadda Muqdisho ayaa qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda taas oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaan iyo daah-furnaan. The post RW Khayre oo kormeeray W/maaliyada iyo dekadda Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites