Deeq A. Posted January 5, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka uu Xoghayaha guud ee UN-ka António Guterres, ku bedalayo wakiilkiisa dalka laga eryay ee Nicholas Haysom. Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekadaha iyo Badda ee xukuumada Federaalka ah, Cusmaan Maxamed Cabdi [Daallo] ayaa ku tilmaamay talaabada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Qab usoo jiiday dalka. “Soomaalidu waligeed Qab way lahayd, waana guuleysaneynaa,” ayuu Wasiir Daallo ka sheegay isu-soo bax lagu taageerayay dowladda oo galabnimadii Sabtida ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho. Horaantii bishaan Janaayo 2019 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Haysom inuu dalka isaga baxo, markii ay ku eedaysay inuu ku xad-gudbay madax-banaanida iyo qaranimada dalka. The post XFS oo soo dhaweysay go’aanka lagu bedalayo Haysom appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites