Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Murashax saaka tanaasulay oo mar kale ka qeyb-galaya doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Saadiq Eenow oo saaka sheegay in uu ka tanaasulay tartaranka xilka madaxweynaha Puntland, ayaa Galabta ku dhawaaqay, in uu u sharraxanyahay doorashada madaxweyne ku xigeenka.

Mr. Eenow ayaa saaka shaaciyay, in uu u tanaasulay murashaxa kale ee Dr Cali Ciise Cabdi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland kana soo jeeda gobolka Sool ee ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale, Saadiq Eenow ayaa isna ka soo jeeda gobolka Karkaar oo ay sannadkan ka tartamayan murashixiinta ugu badan ee doorashada madaxtinimada dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Murashax saaka tanaasulay oo mar kale ka qeyb-galaya doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this