Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Ammaanka Somaliland Oo Xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo ka mid ah hal-abuurada da’ada yar ee reer Somaliland.


Ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay xadhiga Siciid Maxamuud Gahayr balse warar aanu helay ayaa waxa ay sheegayaan in loo xidhay qoraalo uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay bartiisa Facebook-ga.

Siciid.png


Maaha markii ugu horraysay ee la xidho Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr balse waxa jiray marar hore oo la xidhay iyada oo lagu soo eedeeyay qoraalo faafiyay.


Ciidammada boolisku wali kama hadal sababta rasmiga ah loo xidhay Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.


Wixii warar ah ee ka soo kordha xadhiga Qoraa/Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr kala soco halkan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this