Deeq A. Posted January 5, 2019 Murashax Siciid Cali Axmed (Qurbaawi) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay, in uu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtinimada Puntland. Mudane Qurbaawi ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay ku sheegay, in uu u tanaasulay murashaxa kale ee lagu magacaabo,Cali Ciise Cabdi oo u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland. Wuxuu sheegay in doorashadii Guddoonka Baarlamanka ee shalay ay muujisay, is-beddel ku soo wajahan Puntland,taasinay ay ku dhalisay in uu is-beddelka u hiilliyo,sida uu hadalka u dhigay. Waa murashaxii labaad ee ku dhawaaqa in uu u tanaasulay Dr Cali Ciise,iyadoo saaka uu sidaan oo kale sheegay saadiq Eenow,hase yeeshee labada nin ee tanaasulay ayaa loo arkaa kuwa aan wax saamayn ku lahayn doorashada madaxtinimada Puntland. PUNTLAND POST The post Murashax kale oo ka tanaasulay doorashada Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites