Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Shirkii beesha Sade oo laga soo saaray go’aano saameynaya mustaqbalka siyaasadeed ee Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Shir muddo ku dhow toddobaad magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo uga socday dhaqanka beesha Sade, ayaa lasoo geba-gebeeyey, waxaana laga soo saaray go’aanno saameyn xooggan ku leh beesha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Jubaland. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka shirka kadibna arag sawirrada shirka oo ku xiga.

WAR-MURTIYEED

Shirka Dhaqanka Beesha Sade ee Jubbaland Garbahaareey, Xarunta Gobolka Gedo Tr; 05/01/2019

Ayada oo la tixgalinayo duruufaha siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaanna Dowlad Gobaleedka Jubaland, ayaa odayaasha dhaqanka beesha Sade waxay shirweyne isugu yimaadeen Xarunta Dhaqanka Sade ee ku taal caasimadda gobalka Gedo ee Garbaharey.

Shirka oo socday mudda asbuuc ah (30/12/ 2018 – 05/01/2019) ayaa waxaa kasoo qayb galay ergo ballaaran oo matalaysay dhammaan beelaha Sade ee Jubaland, kuwaas ka kala yimid degmooyinka gobalka Gedo, Kismaayo, Muqdisho iyo dibadda dalka.

Shirka oo uu shir-guddoominayay Ugaaska guud ee beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqanka, amniga, siyaasadda iyo adeegyada bulshada ee guud ahaan Jubaland iyo, gaar ahaan, gobalka Gedo waxana laga soo saaray qodobada hoos ku xusan:

1) Arrimaha dhaqanka

A. Dhismaha Golaha Guurtida Beesha Sade ee Jubaland: Shirka wadatashiga dhaqanka Beesha Sade waxuu hoosta ka xarriiqday doorka hoggaamineed ee uu dhaqanku ku leeyahay gudaha bulshada, sidaa daraadeed, ergadu waxay go’aamisay in si deg deg ah loo dhiso gole guurte oo ay ku midaysanyihiin dhammaan jilibyada ay ka koobantahay beesha Sade Jubaland, golahaas oo uu guddoomin doono ugaaska guud ee beesha Sade; Ugaas Maxamad Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

B. Xarunta Dhaqanka ee Jubaland: Waxaa caasimadda gobalka Gedo ee Garbaharey laga asaasay Xarunta Dhaqanka Jubaland, taas oo si buuxda u taageeri doonta dhammaan hawlaha dhaqanka, guud ahaan, Jubaland iyo, gaar ahaan, gobalka Gedo, kana shaqayn doonta cilmi-baarista, tababaridda, talasiinta, iyo fududeynta arrimaha dhaqanka.

C. Baaq ku Socda Dhaqanka Jubaland iyo midka Soomaaliyeed:

Ergada dhaqanka Sade waxay ugu baaqaysaa hoggaannada dhaqanka Jubaland iyo Soomaaliya in ay midoobaan isla markaana si buuxda u qaataan doorkooda hoggaamineed ee bulshada si dalka si wadajir ah looga saaro duruufaha dhaqan, amni iyo siyaasadeed ee ku xeeran.

2) Dib u heshiisiinta Bulshada

Si loo xaqiijiyo wadajir, nabad waarta, wax-wada-qabsi iyo horumar, waxay ergada shirka go’aamisay in la sammeeyo dib-u-heshiisiin bulsho oo dhammaystiran, waxuna shirku isku raacay Qodobada hoose:

A. In si shuruud la’aan ah ay beelaha Sade isaga cafiyaan dhammaan tabashooyinki ka dhex jiray, lana furo bog cusub oo nabadeed iyo midnimo si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

B. In xoogga la saaro xaqiijinta himmilada mustaqbal wanaagsan iyo aaya-ka-tashiga beesha Sade Jubaland ee aanan diiradda la saarin dhaliilihii ka dhashay dhacdooyinki siyaasadeed iyo kuwii bulsho ee horey u dhacay.

C. In La qabto shirwayne dib u heshiineed muddo laba bilood gudahood ah, kaas oo ay kasoo qayb gali doonaan dhamaan dhaqanka beesha Sade iyo midka beelaha kale ee Jubaland si loo xoojiyo wadajirka dhaqanka Sade, loona mideeyo hoggaan dhaqameedka beelaha walalaha ah ee wada daga deegaanada jubbaland.

D. In maamulka Jubaland ee hadda jira lagula xisaabtammo dhaqan gelinta qodobka 8aad ee heshiiski dhexmaray beesha Sade iyo maamulka Jubaland 25ki Maarso, 2016, kaa oo xusayay “In la dhiso guddi gaar ah oo baaris ku sammeeya waxii tacaddiya ahaa ee dhacay naf iyo maalba intii uu khilaafku jiray (Kismaayo), mudda koobanna kasoo tala-bixiya sidii loo xallin lahaa”. Sidoo kale, in hoggaanka sare ee Jubaland lagula xisaabtammo guud ahaan 10-kii qodob ee heshiiskaas oo ilaa iyo iminka aanan waxba laga qaban.

E. In, mustaqbalka, la kobciyo hab-dhaqanka dulqaadka, wada-noolaanshaha, tanaasulka iyo wadahadalka ku aaddan xallinta wax kaste oo khilaaf ah ama tabasha ah, si joogta ahna loo qabto madallo, dood-wadaagyo iyo tababarro sare u qaadaya wacyiga dhaqanka.

3) Adeegyada Bulshada

Si loo helo adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta bulshada, waxu shirku isku raacay in la dardar geliyo horumarka iyo waxqabadka bulshada lagana hortago wax kaste oo curyaamin kara, waxana lagu heshiiyey:

A. Ayada oo loo marayo habka la-xisaabtanka iyo cadaadiska ururada rayidka iyo hoggaanka dhaqanka, in laga dalbado cid kaste oo ay qusayso horumarinta iyo fulinta adeegyada bulshada ee asaasiga ah, ayada oo lagula xisaabtamayo xilka iyo waajibaadka ka saaaran daryeelka dadka iyo dalka, gaar ahaan maamulka Jubland, dowladda federaalka ah iyo dan-wadaagta kale.

B. In la abuuro jawi suuragaliya horumarinta deegaannada Gedo, lana xoojiyo kaabayaasha nabadda, xasilloonida iyo maamul-wanaagga si loo dhiiragaliyo isu socodka ganacsiga, maal-gashiga, shaqo abuurka iyo kaalmada dibadda.

C. In la abuuro hababka iskaa-wax-u-qabso iyo isxilqaan bulsho, lana yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka, ayada oo badalkiisa la dhiiragalinayo ka faa’iidaysiga khayraadka gudaha iyo tammarta iyo tayada dadka, gaar ah da’yarta wax baratay.

4) Arrimaha Siyaasadda

1. Dhismaha Golaha Deegaanka

Si loo helo Maamul u adeega dadka, haystana kalsoonida bulshada, waxay ergada shirweynaha dhaqanka ku heshiisay qodobadan:

A. In si deg deg ah loogu dhiso degma kaste oo ka mid ah maamulka Jubaland gole deegaan oo lagu doortay hab xor iyo xalaal ah, ayada oo loo marayo nidaam daah-furan oo ay ka wada qayb galayaan dhammaan beelaha daggan degmooyinka kala duwan ee Jubaland. Golahaas ayaa ay tahay in ay soo doortaan guddoomiyayaasha/meeyarrada degmooyinka, taas oo meesha ka saaraysa maamullada lasoo magacaabay ee mudda dheer ragaadiyay horumarka dadka iyo deegaanada Jubaland.

B. Shirku waxu ogaaday in horay loo diyaariyay sharciyaddii, habraacyadi iyo dhaqaalihi ku bixi lahaa dhisamaha golaha deegaanka Jubaland, haseyeeshee, maamulka Jubaland uu si ulakac ah isu hortaagay. Sidaa awgeed, ergadu waxay ku adkaynaysaa cid waliba oo ay qusayso, sida maamulka Jubalad, dowladda federaalka iyo taageerayaasha kale in xannibaadda laga qaado dhismaha golaha deegaanka Jubaland sida ugu dhaqsaha badan, lalana xisaabtammo shakhsiyaadka caqabadda ku ah.

C. Si loo tix-galiyo saami qeybsiga deegaannada Jubaland, waxay ergadu ku heshiisay in laga dhabeeyo heshiiski ay beesha Sade iyo maamulka Jubaland wada gaareen 25ki Maarso, 2016 kaas oo qodobkiisa 5aad si cad ugu qeexayay “In la dhammaystiro habraaca sharciyeed ee degmada Buurdhuubo, iyadoo la waafajinayo dastuurka Jubaland”. Sidaa si la mid ah, waxay ergadu hoosta ka xarriiqday in magaalada Ceelcadde ee gobalka Gedo ay tahay degmo ayada oo la eegayo aqoonsiga dowladeed ee ay horay u heshay, muhiimadda ay magaala ahaan ku fadhido iyo halka ay kaga taal gobalka, sidaa awgeed, ergadu waxay isku raacday in Ceelcadde la waafijiyo habraaca sharciyadeed ee ay uga baahantahay dowlad-gobaleedka Jubaland si ay u hesho saami-qeybsiga ay xaqa u leedahay.

D. Marka maamulada la dhisayo, in mudnaan gaar ah la siiyo hoggaanka dhallinyarada wax baratay ee u dhashay deegaanada Jubbaland, gabdho iyo wiilal intuba, si looga faa’iideysto aqoontooda iyo kartidooda.

2. Ilaalinta Amniga iyo Sarreynta Sharciga

Iyada oo la ogyahay in horumar kaste uu ku xiranyahay xasillooni waarta iyo amni, lana gar-waaqsanayo mowqica Juquraafi ee ku teedsan xuduudaha uu dhaco maamul goboleedka Jubbaland, ayaa waxay ergadu isku raacday arrimaha hoose:

A. In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ay ka wada qayb-qaadataan sugidda amniga, wax kastana laga hormariyo xasilloonida.

B. In sugidda amniga xuduudaha ay tahay masuuliyad heer qaran sida ku xusan Q.54-aad ee dastuurka KMG ah ee dalka, loogana fadhiyo dowladda federaalka ee Soomaaliya in ay qaadato doorka kaga aaddan arrintan,

C. In xoreynta deegaanada aan ku jrin gacanta dowlad-gobaleedka jubbaland ay tahay waajib iyo masuuliyad wadareed, sida gobolka Jubbada dhexe oo guud ahaan ay kooxda Al-shabaab ka taliso,

D. In aan sinnaba la ogalaan doonin in Jubbaland ay hoy u noqoto ururro raba in ay qalqal galiyaan amniga dalka iyo midka deegaanada Jubbaland. Sidoo kale, in aanan la aqbalin in shakhsiyaad gaar ah ay ku amar-taagleeyaan amniga iyo talada gobalka iyo midda Jubaland, kana ilaaliyaan wax kaste oo deeganada u keeni lahaa midnimo, tala-wadaag iyo maamul-wanaag, ayaga oo ku qatalmaya awood ciidan iyo sharci-jabin joogta ah.

3. Xulista Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Doorashada

Ayada oo la dhawrayo dastuurka jubbaland, midka faderaalka iyo rabitaanka bulshada ee ku aadan doorasho hufan, dhacdana waqtigii loo asteeyay, waxay ergada dhaqanka beesha Sade isku raacday arrimaha soo socda:-

A. In qeybsiga xildhibaanada jubbaland ee loo madlanyahay 15-04-2019 lagu saleeyo degmooyin.

B. Waxay ergadu digniin adag ka bixisay, hoostana ka xarriiqday in aan marnaba la aqbali karin kaligii-talisnimo iyo go’aan koox yar u gaar ah oo lagu abuurayo xildhibaan-ku-sheegyo gacan-ku-kusamays ah, taasi oo hareer-marsan dastuurka faderaalka, midka jubbaland iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, waxana cawaaqib xummada ka dhalata qaadan doona cid kaste oo isku dayda.

C. In Xeerka lagu dhisayo guddiga doorashooyinka uu yahay mid aan caddayn.

lagana tala-galin bulshada iyo kooxaha siyaasadda ee dowlad-gobaleedka jubbaland, waxayna ergada shirka go’aamisay in aan marnaba la aqbali doonin guddi iyo habraac doorasho oo hareer marsan tilmaamaha guddiga doorashada ee ku xusan Q.93-aad ee dastuurka KMG ah ee Jubbaland.

Gabagabo

Ugu dambeyn, ergada dhaqanka beesha sade ee Jubbaland waxay ku wargalinaysaa dowladda federaalka ah, dowlad goboleedka Jubbaland iyo cid kaste oo danaynaysa arrimaha Jubbaland in ay ergadu diyaar u tahay in ay door shariif ah ka qaadato wax kaste oo karaankooda ah oo ku aaddan samata-bixinta iyo horumarinta bulsho, siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Jubaland.

Sidoo kale, ergada dhaqanka Sade waxay ugu baaqaysaa qaybaha kor ku xusan in iyaguna ay kaalintooda ka qaataan xal-u-helidda duruufaha ku xeeran Jubaland ee ku xusan war-murtiyeedkan si ay ku dheehantahay masuuliyad, hufnaan iyo ilaalinta danta guud ee diinta, dadka iyo deegaannada Jubaland, gaar ahaan xilligan kala guurka ah ee ay Jubaland wajahayso.

IMG-20190105-WA0018.jpg IMG-20190105-WA0033.jpg IMG-20190105-WA0016.jpg IMG-20190105-WA0017.jpg IMG-20190105-WA0023.jpg IMG-20190105-WA0012.jpg IMG-20190105-WA0010.jpg IMG-20190105-WA0038.jpg IMG-20190105-WA0017-1.jpg IMG-20190105-WA0028.jpg IMG-20190105-WA0039.jpg IMG-20190105-WA0032.jpg IMG-20190105-WA0034.jpg IMG-20190105-WA0014.jpg

Ergada Dhaqanka Beesha Sade ee Jubbaland
……………….Dhamaad………………
Fadlan waxii talo iyo tusaale ah kusoo aaddi:
Tell: +252615604093
E-mail: dhaqan.sade@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this