Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Dr. Cali Ciise Cabdi oo gacanta ku dhigay 17-ka xildhibaan ee Dhulbahante

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Kulan ballaaran ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland musharaxa xilka madaxweyne Dr. Cali Ciise Cabdi, xildhibaanada golaha shacabka federaal-ka ku metela Sool clan, xildhibaanada cusub ee isla beeshaas ugu jira Puntland, cuqaalad iyo siyaasiyiin kale.

Kulan waxa uu ahaa mid taageero loogu muujinayo Dr. Cali Ciise Cabdi, oo 8-da bisha geli doona loolan adag oo uu kala kulmayo 28 kale oo isla xilkaas doonaya.

Waxaa jirtay xan ahayd in Dr. Cali Ciise lagu haysto 17-ka xildhiaan ee beesha Sool clan oo uu ka soo jeedo ugu jira Puntland taas oo dhaawici kartay rejadiisa.

Hase ahaatee, kulanka maanta Garowe ka dhacay oo ay soo xaadireen siyaasiyiin gayyiga Soomaalida caanka ah sida Dr. Cali Axmed Jaamac Jengeli oo hore Soomaaliya Wasiir Arrimo Dibadeed uga soo noqday, dowladdii Xassan Sheekh-na ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, Xildhibaan Da’uud Bisinle oo ah rugcadaa siyaasadeed oo ka soo jeeda gobolka Sool, Wasiirka Macdanta ka soo noqday dowladdii Xassan Shikeh, Xildhibaan Canab Xassan Cili iyo Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale.

Waxaa sidoo kale dhammaa goobta ka muuqday 17-ka xildhibaan ee Sool, Sanaag iyo Cayn ugu jira Puntland oo sida la xaqiijiyey bilaa shuruud ugu ballan qaaday codkooda Dr. Cali Ciise Cabdi.

Kulanka waxa uu ahaa mid sida la sheegay xildhibaanada Sool clan ay codadkooda ugu ballan-qaadeen Dr. Cali Ciise, waxaana uu yimid xilli uu maanta Dr. Saaqad Enow xaqiijiyey in uu u tanaasulay Dr. Cali Ciise.

Shalay, sidoo kale waxaa kulmay Dr. Cali Ciise iyo Cali Xaaji Warsame oo ayagana laga yaabo inay sameystaan xulufaysi siyaasadeed.

Dhinaca kale, waxaa iyana jira sida ay Caasimadda Online xog hoose ku heshay in ay kulan u ballansan yihiin Musharax Faarax Cali Shire iyo Dr. Cali Ciise Cabdi.

49486340_134862474107134_645020771936108 49408034_290598391644918_410583408179360 49694526_293492254641801_206340262802436 49187737_300928023897536_620564204232481 49344490_325888848027497_864903498696543 49468741_327253711457658_559008354989087 49450559_337036363690872_112570670203378 49464988_351568692065359_568990227063688 49604314_357123608174348_794589933681718 49346079_366833757382238_755206880162217 49650791_358703918247513_416170549028113 49643213_787704238248977_426194400542562 49579419_802175100128417_825066653535436 49699931_950625251814362_484904801310605 49067537_985976741790211_192966021976005 49067537_985976741790211_192966021976005 cali-ciise.jpg 49937615_1216683211831171_24696502100248

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this