Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo beeniyay in uu dhimayo howlgalkiisa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington ( Sh. M. Network )-Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Mareykanka ayaa beenisay warar ay warbaahinta baahisay oo sheegayay in ay dhimayaan howlgalka Milatari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Candice Tresch oo ah afhayeen u hadashay Aqalka Pentagon ee Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in aysan jirin wax isbedal ah oo ku yimid howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa xustay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana ay sii wadi doonaan duqeymaha ay la bartilmaameedsadaan Al Shabaab

Aqalka Pentagonka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in 47 duqeymo diyaaradeed ah ay ka fuliyeen qaeybo ka mid ah Soomaaliya sanadkii hore ee 2018-ka.

Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada dhinaca diyaaradaha ee uu ka geysto deegaano ku yaalla koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay sheegaan in ay ku bartilmaameedsadaan Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa 500 oo Askari oo howl ka fuliya qeybo ka mid Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.

The post Mareykanka Oo beeniyay in uu dhimayo howlgalkiisa Somalia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this