Deeq A. Posted January 5, 2019 Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddiga doorashada Puntland ayaa maanta shaaciyay habraaca doorashada iyo shuruudaha laga doonayo Musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulkaasi. Shuruudaha laga rabo Musharraxiinta ayaa waxaa ka mid ah in muddo labo sano ah uu Musharruxu ku sugnaa dalka iyo sidoo kale Musharraxa in uu bixiyo Lacag diiwaangelin ah oo dhan 20 kun oo Dollar-ka Mareykanka ah. Sidoo kale Musharraxiinta u taagan Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa waxa ay isku diiwaan galinayaan lacag dhan 10 kun oo Dollar-ka Mareykanka ah. Doorashada ayaa la sheegay inay dhaceyso siddeeda bishan oo ku beegan Talaadada soo socota, iyadoo todobada bisha ay tahay maalinta hadal jeedinta ee Musharraxiinta. In ak badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkan, kuwaas oo haatan Olole xoogan ka wada deegaanada maamulkaasi. Hakan hoose ka Akhriso:- The post Shuuradaha doorashada Puntland Oo la shaaciyay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites