Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuruudaha iyo hab-raaca doorashada madaxtinimada Puntland oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashada madaxtinimada Puntland ee maanta la magacaabay ayaa soo saaray hab-raaca iyo shuruudaha doorashada madaxweynahaa iyo madaxweyne ku xigeenka.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in murashixiinta madaxweynaha  laga doonayo in ay bixiyaan $20 kun oo Dollar lacagta diiwaan-gelinta  ah,halka murashixiinta  madaxweyne ku xigeenka ay bixinayaan  $10 kun oo Dollar.

Shuruudaha guddigu soo saaray ayaa sidoo kale waxaa kamid ah  in murashaxu  uu labadii sano ee u dambaysay dalka joogay iyo in uusan hore u gelin khiyaano-Qaran,islamarkaana uu saxiixo qoraalka guddiga ee dhigaya in uu ku qanco natiijada doorashada,haddii uusan qoraalka saxiixin kama qeyb geli doono doorashada.

Maanta oo ah sabti 12:00 duhurnimo ayaa la qabanayaa diiwaan-gelinta murashixiinta iyadoo soconaysa ilaa maalinta berri oo axad ah 16:00 galabnimo,waxaana khudbaduhu bilaabanayaan maalinta isniinta ah oo taariikhdu tahay 07/01/2019 07:30 subaxnimo, Musharixiiba wuxuu khudbaynayaa 15 daqiiqo keliya.

Maalinta talaada oo taariikhdu tahay 08/01/2019 07:30 subaxnimo ayaa doorashadu dhacaysaa,iyadoo wareega koowaad ay u  soo baxayaan saddexda  murashax ee ugu codka badan,halka wareega saddexaad uu noqon doono  cod dheeri,sida ay guddigu sheegeen.

Halkaan ka akhriso shuruudaha iyo hab-raaca doorashada

88888.jpg?resize=660%2C880&ssl=1 9999.jpg?resize=660%2C880&ssl=1 11.jpg?resize=660%2C880&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shuruudaha iyo hab-raaca doorashada madaxtinimada Puntland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this