Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha gudaha oo diidmo kala kulmay odayaasha beelihii ku dagaalamay Kaxandhaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa si cad u sheegay inaysan ku qanacsaneyn hanaanka uu dib u heshiisinta Kaxandhaale u marayo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo daah furay gogol nabadeed ayaa cadeeyay inay ka go’an tahay inay dib u heshiisiin dhab ah dhex marto beelihii ku dagaalamay Kaxandhaale, waxaase ka hor yimid qaar kamid ah odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay sababta ay kaga hor yimaadeen gogosha uu fidiyay wasiirka arrimaha gudaha inay tahay in wasiirka uu ka qeyb galiyay wadahadalka dad aan matalaad ku laheyn beelaha dagaalamay.

Waxaa kale oo odayaasha ay sheegeen inay taageerayaan wadahadal siinta dhinacyada dagaalamay, balse wasiir uusan casuumin odayaasha dhaqanka ee lahaa xalinta rasmiga ah, sida ay sheegeen.

Dowladda Soomaaliya ayay ka dalbadeen inay arimahaasi wax ka qabato, maadaama odayaasha saxda ah aysan ka qeyb aheyn wadahadalada furmay.

Wasiirka ayaa dhawaan ay u suuro gali weysay inuu tago deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud halkaasi oo lagu maleeshiyaad ay ku dagaalameen, waxaana odayaasha dhankooda ay wadaan dadaalo nabadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this