Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye Ku-Xigeenkii Jabhadda Kornayl Caarre Iyo Ciidamo Kale Oo Ka Soo Goostay Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Yubbe Ee Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yubbe)-Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro iyo Taliyaha Saldhiga Saddexaad ee Ciidanka Qaranka ayaa degmada Yubbe ee gobalka Sanaag ku soo dhaweeyay ciidamo ka soo goostay jabhada Siciid Cawil Jaamac Caarre ee oo fadhigoodu yahay magaalada Qardho ee maamulka Puntland ee Soomaaliya.

SANAAG-1.png

Munaasibad lagu soo dhawaynayay ciidamadan ka soo laabtay jabhada Caarre oo shalay lagu qabtay degmada Yubbe ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, Taliye qaybeeda ciidamada qaranka iyo Booliska ee gobalka Sanaag iyo cuqaasha iyo waxgaradka degmada Yubbe.

Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan aanay waxba kala hadhi doonin ciidamadan ka soo laabtay maleeshiyaadka Caare.waxaana uu yidhi “Waxa aanu soo dhawaynaynaa Jibriil Maxamed Ducaale oo ka tanaasulay taliye ku xigeen nimadii Caare iyo Puntland uu lugta kula jiray ee Taliyaha u ahaa oo uu ka soo noqday oo uu yidhi anigu Somaliland ayaan ka mid ahay,waxaana aan leeyahay ku soo dhawoow gacmo furan dalkana lagama laha waana dal kaagii waa wadankaagii saraakiishaa wadanka joogtaa waxa ay qabaan ayaad la qabaysaan Xukuumad ahaana wax alaale wax aan idikila hadhaynaa majirto,hadii awal la odhan jiray dawlad iyo hayadi magaadho soo gaadho degmada Yube,”.

Sarkaalkii hogaaminayay ciidamadan ka soo laabtay jabhada Caare Jibriil Maxamed Ducaale ayaa waxa uu sheegay in uu ka soo laabtay jabhadii Caare ee uu ka tirsanaa.waxaana uu yidhi“Anigu waxa aan ka tanaasulay kooxdii Caare ee aan ka tirsana waxaana aan u soo noqday degmadaydii Yube iyo gabalkaygii,waxaana aan cadaynayaa in ciidanka Somaliland ku soo biiray oo aan ka mid ahay ayaan cadaynayaa waana afartan Nin”.

Taliyaha Saldhiga Saddexaad ee Ciidanka Qaranka ee Gobalka Sanaag Gaashaanle sare Faysal Cabdi Bootaan iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa iyaguna waxa ay uga waxgaradkii ka shaqeeyay in ciidamadani dib ugu soo noqdaan dalkooda,waxaana ay ku amaaneen ciidamadan sida kalsoonida leh ay ugu soo noqday dalkooda.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Cuqaasha iyo Waxgaradka degmada Yube oo sheegay in ay ka hawl galeen sidii ciidamadan dib ugu soo celin lahaayeen dalkooda,waxaana ay Xukuumadda Somaliland usoo jeediyeen i in la daboolo baahiya ciidankan soo noqday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this