Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Joojiyay Dhisme Ka Socday Dhul Uu Madaxweyne Siilaanyo Siiyay Nin Ganacsade Ah Iyo Ciidammada Booliska Oo La Wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Joojiyay Dhul Siilaanyo Bixiyay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa joojisay dhismaha hotel ka socda xayndaabka Madaarka Hargeysa ee Cigaal. Waxa goobta la wareegay boolis waxaana la joojiyay dammaan hawlaha dhismaha ee ka socday.

DHUL-1.png

Dhulkan ayaa la sheegay in madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo siiyay nin ganacsade ah oo hadda halkaasi ka bilaabay dhismaha hotel waxaanay wararka arrintan ka soo baxaya sheegayaan in amarka madaxweyne Biixi lagu joojiyay dhismahan.

Dabayaaqadii bishii hore ayay xukuumaddu la wareegtay Khayriyada Hargeysa oo xukuumaddii hore siisay nin ganacsade ah, kaas oo hotel ka hirgeliyay. Waxay xukumaddu sheegtay in halkaasi noqon doonto goob taariikhi ah waxaana ka sii horeeyay dhawr meelood oo xukumaddu joojisay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this