Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaa ku jira xubno horey ugu jiray guddigii doorashada guddoonka Baarlamaanka.

  1. Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Guddoomiye)
  2. Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab
  3. XildhibaanCabdirisaaq Xasan Ciise
  4. Xildhibaan Xaamud Ismaaciil Xirsi (Abshir)
  5. Xildhibaan Cawil Xasan Daad
  6. Xildhibaan Xuseen Axmed Nuur
  7. Xildhibaan Maxamed faarax Mire

Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa dhacaysa maalinta Tallaadada ee ku beegan 8-da bishan Jannaayo 2019.

1.jpg?resize=751%2C1010&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland: Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this