Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Maraykanka Oo Shaaciyay Inay Yareynayaan Howlgalka Ay Ka Wadaan Gudaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Soomaalia iyo inay xadidaan Duqeymaha lala beegsado Dagaalamayaasha Alshabaab.

Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciiddamadda Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka.

Madaxweyne Trump markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciiddamo dheeraad ah u soo diray Somalia , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan Duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya.

Sarkaal la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay hawlgaladaasi gaabis noqdeen, tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis xilka ka degay bishii hore.

Dhinaca kale, Saraakiil hore iyo Khubaro ka tirsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda oo la hadlay Tleefishinka NBC News waxay sheegeen inuu qorshahaasi abuuri karo Khataro ka timaado Ururadda Alqaacida, Daacish iyo kuwa kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this