Deeq A. Posted January 5, 2019 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday fariisin Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin xaafadda Biyo Dageenka ee degmadaasi. Dagaalyahanno la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa soo qaaday weerarkaasi, waxaan xigay dagaal fool fool ah oo ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Mas’uuliiyiin ka tirsan maamulka degmada Heliwaa oo la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladda baaritaano kooban ay ka sameeyeen gudaha degmadaasi. The post Faah faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay Heliwaa appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites