Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas Oo fariin u diray golaha wakiilada P/land

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayay Warbaahinta ayaa marka hore Hambalyo u diray xubnaha cusub ee guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi oo shalay lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxweyne Gaas ayaa ka dalbaday guddoonka cusub in ay ka shaqeeyaan qabsoomida doorashada Madaxweyne ee Puntland.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in doorashadaasi la qaban doono 8 bishan oo ku beegan Taaladada soo socota.

In ka badan 20 Musharrax ayaa u taagan qabashada xilkaasi, kuwaas olole xoogan haatan ka wada deegaanada maamulkaasi.

The post Madaxweyne Gaas Oo fariin u diray golaha wakiilada P/land appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this