Deeq A. Posted January 5, 2019 Hargeysa ( Sh. M. Network )-Abwaan Xasan Dhuxul (Laab Saalax) oo ah Aas’aasay Kooxda Xidigaha Geeska oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Somaliland caburin xoogan uu ku hayo Warbaahinta iyo Fanka ka jira deegaanada maamulkaasi. Abwaan Laab Saalax ayaa tilmaamay in ay Hargeysa xilliyada habeenkii ah dhac baahsan loogu geysto dadka rayidka ah ee ku dhaqan gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay Ciidamada Boolisku aysan waxba ka qabanin dhibaatadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Abwaanka ayaa ka dhawaajiyay in mamaulka S/land uu dagaal kula jiro shacabka Hargeysa, islamarkaana loo adeegsanayo awooda maamulkaasi. Maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan xarig iyo handadaad kula dhaqaaqa dadka ka soo horjeeda maamulkaasi. The post Abwaan Laab Saalax Oo eedeyn u jeediyay Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites