Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay howlgalada ciidamada Jubbaland ka wadaan Jubbooyinka (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa kordhiyay tirada ciidamada kaga sugan deegaanada Jubbada Hoose, kuwaasi oo dhawaan howlgal Wadajir ah qaadi doono.

Saraakiisha ciidamada u hadashay ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo qorshaha howgalka ciidamada ay ka sameynayaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka JUbbada Hoose.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Mooraal Taliyaha ciidamada Jubbaland ee aaga  Baar Sanguuni ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamadii ugu badnaa iyo qalabkooda, kuwaasi oo dhawaan howlgal Wadajir ah bilaabaya.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay guulo ka gaareen howlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaano hoostaga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhawaanahaan Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waday dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga suganyihiin maamulkaasi.

1-19.jpg 2-17.jpg 3-15.jpg 4-14.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this