Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka dhacay degmada Al-Shabab ay haystaan ee ay galeen Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (Caasimada Online) – Warar is-khilaafsan ayaa kasoo baxaya ciidamo Mareykan ah oo galay degmada Awdheegle, ayada Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya ay laba sheeko oo kala duwan shacabka u sheegeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo ajnabi oo xulufu ah ay isku dayeen inay kooxdaas ka qabsadaan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegtay in dagaallo culus ay habeenkii jimcaha ku dhaxmareen dagaal-yahannada Al-Shabaab iyo ciidamo Mareykan ah oo ay la socdaan kuwa Soomaali ah.

“Ciidamada huwanta ah ayaa waxa ay diyaarado uga soo degeen duleedka degmada Awdheegle kadibna iyagoo lugeynaya ayay qaab Infenteri ah ku galeen magaalada balse mar qura ayay xabaddu meel walba uga bilaabatay” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay si adag uga hor tageen weerarka ay ciidamada shirkadda Bancroft ee Soomaalida iyo ciidamada Mareykanka ku qaadeen degmada Awdheegle, kuna qasbeen in ay ka cararaan magaalada.

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa si kale u dhigtay howl-galkan, waxayna sheegtay in lagu laayay xubno ka mid ahaa Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale gacanta kusoo dhigay maleeshiyo ka tirsan kooxdaas.

Madaxmed Ibraahim Barre, guddoomiyaha Gobolka Shabeelleda hoose, oo ay warbahainta soo xigatay, ayaa sheegay in uu Ciidanku ay bur-buriyeen goobihii ay Al-Shabaab kasoo maleegi jireen weerarrada iyo qaraxyada oo ku yaalla isla Degmada Aw-dheegle.

“Tirada guud hadda ma hayno, laakiin Xalay markuu howl-galku dhacay illaa Afar meyd ah ayaa meesha yaallay, laakiinse tira ka badan ayaa jirta oo qaar xitaa lagu soo qabtay ayaa jira, dhaawacooda way la baxeen oo duurka ayay la galeen, ayuu yiri Guddoomiyhu.

Guddoomiyaha Shabeellada hoose ayaa intaa ku daray in ay dib kasoo sheegi doonaan tirade dhabta ah ee ay Ciidanku dileen iyo xubnaha ay soo qabteen, howl-galkana uu kusoo dhammaaday guul iyo sidii loogu tala galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this