Sign in to follow this  
Deeq A.

António Guterres oo Sheegay Inuu Magacaabayo Ergey Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

António Guterres xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay inuu Soomaaliya usoo magacaabayo ergey cusub, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray ku-xigeenka afhayeenkiisa Farhan Haq.

Qoraalka waxaa ku jirtay in xogheyaha guud uu kalsooni ku qabo Haysom, khibradna leeyahay, horayna uu shaqo fiican ugu qabtay UN-ka.

Waxaa qoraalka ku jirtay in shaqaalaha UNka aan loo adeegsan karin “Persona non grata” sida uu qabo heshiiska Viienna 1961-dii, waxaa la sheegay in qaramad midoobey aaney dal aheyn.

Xogheyaha guud oo qadarin u haya shacabka Soomaaliyeed iyo shaqada adag ee hortaalla xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya waxaa uu go’aansaday inuu magacaabo ergey cusub.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this