Deeq A. Posted January 4, 2019 António Guterres xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay inuu Soomaaliya usoo magacaabayo ergey cusub, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray ku-xigeenka afhayeenkiisa Farhan Haq. Qoraalka waxaa ku jirtay in xogheyaha guud uu kalsooni ku qabo Haysom, khibradna leeyahay, horayna uu shaqo fiican ugu qabtay UN-ka. Waxaa qoraalka ku jirtay in shaqaalaha UNka aan loo adeegsan karin “Persona non grata” sida uu qabo heshiiska Viienna 1961-dii, waxaa la sheegay in qaramad midoobey aaney dal aheyn. Xogheyaha guud oo qadarin u haya shacabka Soomaaliyeed iyo shaqada adag ee hortaalla xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya waxaa uu go’aansaday inuu magacaabo ergey cusub. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites