Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay Oo Ku Adkaystay In Nicholas Haysom Uu Yahay Wakiilkooda Soomaliya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)Golaha Qaramada Midoobay ayaa weli ku adkeysanaysa in uu danjire Nicholas Haysom yahay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya,iyadoo dowlada Soomaaliyana ay diidan tahay wakiilnimadiisa.

5DE7A6ED-5821-4B29-B7D5-31431C619ED4.jpe

Afhayeen u hadlay UN-ka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, isaga oo sidaasi ahna uu ka hadlay golaha ammaanka, wuxuu intaas raaciyey in aaney warqad ka helin dowladda Soomaaliya, ayna raadinayaan faah-faahin.

Arrintan ayaa timid saacado kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isaga oo aan soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inuu dalka ka baxo.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay Goluhu uu u baahan yahay cadeymo buuxa balse weli uu Haysom haysto taageerada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Haysom waxaa khudbadiisa golaha ammaanka ku jirtay in faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso dowlad goboleedyada ay wiiqi karto doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo midda guud ee 2020-ka.

Qudbada uu shalay ka jeediyay Golaha Ammaanka Danjire Nicholas Haysom ayaa ahayd mid hore loo sii qorsheeyay kahor inta uusan bilaaban khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo danjire Haysom.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this