Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo Horumar Wayn Ka Sameeyay Xakamaynta Sicir-bararkii Sameeyay Lacagta Dalkaas.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Ankara) Heerka sicir-bararka dalka Turkiga ayaa bishii labaad oo xidhiidh ah hoos u dhacay bishii December, iyada oo ay caawisay canshuur dhimis iyo qiimaha badeecadaha oo hoos loo dhigay.

5A6EDA5E-54D8-43E4-AE6C-618420E877C3.jpe

Machadka tirakoobka Turkiga ayaa maanta sheegay in heerka kororka qiimaha badeecadaha uu bishii December ahaa 20.3%, taasi oo 0.40% ka yar bishii November.

Sicir-bararka Turkiga ayaa bishii October gaaray 25.2%, taasi oo ahayd heerkii ugu badnaa muddo 15 sano ah, ka hor inta aysan hoos ugu dhicin 21.5% bishii November.

Dhaqaalaha Turkiga ayaa dhaawac uu gaaray wixii ka dambeeyey xagaagii 2018, ayada oo lacagta Lira ee dalkaas ay heerkii ugu xumaa hoos ugu dhacday, sababo la xiriira siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Erdogan iyo muran siyaasadeed oo dhex-maray Ankara iyo Washington.

Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka oo soo wanaagsanaaday iyo dowladda oo sare u qaadday heerka dul-saarka ayaa bilihii dhowaa caawiyey in qiimaha lacagta Lira ay sare u kacdo, marka loo eego dollar-ka

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this