Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Dooratay Guddoomiye Baarlamaan Oo Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe) Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood) ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland, Wuxuu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday, horayna waxa uu ugu soo shaqeeyey Sharikadda isgaadhsiinta ee Golis.

E8FC971D-04E2-4479-A5CE-CDF6544A8C5E.jpe

Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, waxa uuna ka agdhow yahay urur diimeedka Al ictisaam.

Sidoo kale Waxaa uu ka soo jeeda Gobalka Sanaag waana xildhibaanada Isbedel Doonka ah ee ka soo hor jeeda madaxweyne Gaas

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this