Deeq A. Posted January 4, 2019 (SLT-Garoowe) Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daarood) ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Dalkaasi Soomaliya ee Puntland, Wuxuu kamid ahaa xildhibaanadii uu waqtigoodu dhammaaday, horayna waxa uu ugu soo shaqeeyey Sharikadda isgaadhsiinta ee Golis. Waxa uu kamid ahaa ururkii Al Itaxaad oo 1992-dii iskudayay in ay gacanta ku dhigaan gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya. Dadka yaqaan waxa ay sheegaan in uu yahay nin dabeecad wanaagsan, waxa uuna ka agdhow yahay urur diimeedka Al ictisaam. Sidoo kale Waxaa uu ka soo jeeda Gobalka Sanaag waana xildhibaanada Isbedel Doonka ah ee ka soo hor jeeda madaxweyne Gaas Source Share this post Link to post Share on other sites